Tacadiyada ku Dhaca Dadka la Hayb-Sooco
Maxamuud Saleeban Cabdillaahi
Hayb-soocu waa dhaqan saamayn xooga ku leh nolosha dadyowga ku dhaqan geyiga Somaliland, hayb-sooca waxa lagu qeexa ama lagu tilmaama in bulshada qayb ka midda lagu faquuqo qaabiilkooda, diintooda ama midabkooga, faquuqaas oo aanay iyaguu dooran.
Hayb-sooca wadanka ka jirra midka ugu weyn uguna caansan waa midka qabiilka, kaaso bulsho balaadhan lagugu faquuqay haybtoodda dartooda, loogona duudsiyay xuquuq fara- badaan oo sharcigu u daamanad qaaday.
Haybsooca ka dhanka ah dadka laga tiro-badan yahay wuxu duudsiiyay bulshadan xuquuqadka asaasiga sida midda waxbarasho, caafimaad ,nabadgelyo iyo shaqo. Taas oo dhamaantooda ay ka hoosayeen marka la barbardhigo bulshada inteeda kale. Xarumaha bixiya addeega sarre ku xusan waa ku aan jirin ama ba xadidan. Xuquqaadka la tacaluqa xaga arrimaha siyaasada waa mid iyadna gebi ahaanba meesha ka maqan, taaso la dhihi karo bulshadan ma lahaa xata hal xubin oo iyagu soo doorteen oo ku matasha golayaasha qaranka ama fagaarayaasha go’aanada qaranka lagu go’aaminayo. Shuruuc u sahlaysa ka mid noqoshada xubno matala dadyowga laga tiro badan yahay weli dawladdu ma hirgelin, sida shuruuc u saamaxaysa in kooto loogu xidho kuraas u gaar ah iyaga.
Hayb-sooca ka dhanka dadka laga tirada badan yahay kuma koobna intaas, balse waa mid fiidsan ilaa nolosha caadiga, saamayn tabana ku yeeshay waxaana tusaale fiican u ah guurka, taaso bulshadan lagu faquuqay in aan laga guursan hablahooda, wiilashoodana aan loo ogolaan inay guursadaan hablaha bulshada kale, kuwaaasoy wadagaan isir, diin , dhaqan, af. Waxaana marar badan dhacday falal arxandaro ah oo loo geystay wiilal ka soo jeeda beelaha la hayb sooco oo guursaday gabadh beelaha kale ah.
Hayb soocu ka dhanka ah beelaha laga tirada badan yahay waa mid ku salaysan oo kaliya taariikh horre oo dhaqan oo soo jireena oo aan loo helayn wax tixraac xaqiiiq ku salaysan, taasina ay sababtay dhibaatooyin bulsho iyo dhaqan dhaqaale oo ka dhan ah bulshooyinka la haybsooco.
